Hadal hayn xoogan oo ka dhalatay xaalada caafimaadka Madaxweynaaha Ruushka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muuqaaladii ugu dambeyay ee Putin ayaa dhaliyay hadal hayn cusub oo ku saabsan caafimaadka madaxweynaha Ruushka ka dib markii la arkay isagoo dhinac u liicaya marka uu soconayo.

Madaxweynaha Belarus ayaa beeniyay wararkaasi, waxaa uuna sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin oo uu madaxweynaha Caafimaadkiisa aad u wanaagsan yahay.

Sidoo kale wararkan la xirira caafimaadka Putin ayaa waxaa horay u beeniyay Aqalka Kremlinka ee laga maamulo Ruushka.

Madaxweynaha Belarus ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateynadan dheeraadka ah ee Ruushka iyo xulafadiisa lagu soo rogay ay aduunka qarka usaarayaan dagaalka sedexad ee aduunka…