Hadal-heyn badan oo ka dhalatay wiil dhallinyaro ah oo isku daldalay Muqdisho.

Goobtiisa shaqo ayuu isku daldalay
Wiil dhallinyaro ah oo is daldalay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wiilka dhallinyaro ah, oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo Harqaan ku lahaa meel u dhow isgoyska Dabka ayaa isku dal-dalay gudaha xaruntiisa Ganacsi. Waxaa la waayey maalintii Khamiistii aheyd markaas oo la waayey nolol iyo geeri.

Ehelada wiilkaan ayaa go’aansaday maanta inay jabiyaan xaruntiisa, waxaana si lama filaan ah loo arkay isagoo ku xiran xariga uu isku daldalay, oo meyd ah.

Cabdiraxmaan ayaa qoray warqad dardaaran ah oo uu ku sheegay inuu leeyahay xaas iyo laba caruur, warqaddaas oo laga ag helay meydkiisa.

Wiilkaan ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Degmada Waaberi, wuxuuna muddo dhowr sano ah ka shaqeenayey tolista dharka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray xarunta uu wiilkaan isku daldalay ayaa meydkiisa u qaaday xarunta dambi baarista ee CID.

Goobtiisa shaqo ayuu isku daldalay
Wiil dhallinyaro ah oo is daldalay