Hadal jeedinta musharaxiinta u taagan Gudoonka Labada Aqal oo maanta dhaceysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya oo maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay dhageysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada guddoonka golaha Shacabka ayaa shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqay in la soo xeray diiwaan galinta musharaxiinta u tartameysa xilka guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Prof. Maxamed Xuseen Haadi oo xubin ka ah guddiga gaar ahaan qeybta diiwaan galinta ayaa sheegay in maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku began tahay 23-4-2022,ee hadal jeedinta doonaan musharaxiinta u tartameysa xilka guddoomiyaha golaha shacabka halka beri oo axad ah ay ku xigi doonaan musharaxiinta u taagan gudddoomiye ku-xigeenada.

Maanta ayay Xildhibannada Golaha Shacabka kulan ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhageysan doonaan hadal jeedinta Musharixiinta.