Hadal ka soo yeeray Rai’sulwasaaraha UK oo cara xoogan ka dhex abuuray Midowga Yurub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Boris Johnson ayaa lagu dhaleeceeyay inuu barbardhigay halganka dadka reer Ukraine ee dagaalka kula jira duulaanka Ruushka iyo dadka ku nool Britain ee u codeynaya Brexit ama ka bixitaanka Midowga Yurub.

Hadaladda Mr Boris Johnson ayaa caro ka dhex abuuray siyaasiyiinta UK iyo kuwa Yurub labaduba.

Donald Tusk, madaxweynihii hore ee Midowga Yurub, ayaa hadaladaladan ku tilmaamay kuwo meel ka dhac ah.

Rai’sulwasaaraha UK ayaa hadaladan sheegay maalintii Sabtidii aheyd mar uu khudbad ka jeedinayay shirkii gu’ga ee xisbiga Konserfatifka oo ka dhacayay Blackpool..