Hadii doorshada Aqalka Sare ay qaadatay afar bilood, imisaa ayey qaadan kartaa mida G/shacabka?

Doorashada golaha shacabka
Doorashada golaha shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn shalay lasoo geba-gebeeyey kadib bilo ay soo jiitameysay, ayada oo labadii senator ee ugu dambeeyey lagu doortay Galmudug.

Doorashada ayaa soo billaabata 29-kii July, waxayna socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, ayada oo waxa la dooranayey ay aheyd kaliya 54 Senator.

Dad badan oo ka mid ah kuwa fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in casharka ugu weyn ee doorashada Aqalka Sare laga bartay ay tahay inay tusmeysay in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto muddo intaas aad iyo aad uga badan.

Doorashada Aqalka Sare kuma lug laheyn qabaa’ilka, ma jirin ergooyin lasoo xulayo. Waxay u baahneyd oo kaliya in madaxweyne goboleedka uu shaaciyo liiska murashaxiinta kadibna baarlaman goboleedka uu doorashada qabto.

Si aad u ogaato sida ay uu fududahay ama waqtiga gaaban ee lagu dhameyn karay, waxaad eegtaa kaliya muddada u dhaxeysay marka ay madax goboleedyada shaaciyaan liiska murashaxiinta iyo marka la qabtay doorashada, taasi oo inta badan aheyd 2 illaa 4 berri.

Hase yeeshee layaabka dhacay ayaa ahaa in madax goboleedyada ay iska haysanayeen bilo, ayada oo aysan jirin wax sabab ah oo muuqda, marka laga reebo Saciid Deni oo doorashada sida ugu dhaqsaha badan usoo geba-gebeeyey.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in doorashada golaha shacabka ay qaadan karto sanad illaa sanad iyo bar, marka loo eego xawaaraha ay ku socotay doorashada Aqalka Sare.