Hal arrin oo Beesha caalamka ku diidan yihiin dhaqaalaha doorashada Soomaaliya & caqabad taagan

Beesha Caalamka ayaa illaa hadda diidan inay soo dhameystiraan dhaqaalihii doorashada qeybtii laga sugayey, xili ay gobolada qaar soo dhameystireen doorashada Aqalka Sare, taasi oo horseedi karta dib u dhac.

Beesha Caalamka ayaa horey u balan qaaday in ay bixineyso 60%  dhaqaalaha ku baxaya doorashada, hasa ahaatee beesha caalamka ayaa dib u dhigtay bixinta lacagtaasi kadib markii khalalaase iyo khilaaf ka dhasheen doorashada.

Beesha Caalamka oo dadaal badan ku bixisay sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho wada ogol ah, ayaa xiligan la rumeysan yahay inay rabto in taageeradeeda dhaqaale ku bixiso doorasho ay ku qanacsan yihiin saamileyda siyaasadda oo dhan.

Shirkii dhawaan magaalada Muqdisho ay ku yeeshen Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ajendihiisa qeyb ka aheyd sidii loo heli lahaa dhaqaalaha beesha caalamka ee doorashada, ayada oo maanta madaxdaas kulan la qaateen Wakiiladda beesha caalamka.

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul goboleedyada oo shalay la kulmay Wakiilada beesha caalamka ayey kaga codsadeen mar kale in ay bixiyaan lacagta doorashada ku baxeysa, hasa ahaatee wakiilada ayaa u sheegay madaxda Soomaalida in marka hore xaliyaan khilaafyada doorashada ka jira lana yimaadaan nidaam lagu kalsoonaan karo.

Beesha Caalamka ayaa u sheegtay madaxda Soomaalida in aysan ku qanacsaneyn sida ay hada wax ku socdaan gaar ahaan doorashadii Aqalka Sare oo sheegeen in ay ku bilaabatay musuq maasuq iyo nin jecleysi.