Hal arrin oo sababtay in Rooble uu kala diro Guddiyada Doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u kala diray dhammaan Guddiyada Doorashooyinka dadban 2020/22, iyadoo xil-gudashadoodu ku ekeyd doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa sababtay in Guddiga FEIT ay sacadihii lasoo dhaafay ay qorsheynayeen inay fasaxaan Kursiga #HOP086 oo horay doorashadiisa u hakiyeen Guddiga, kaasoo uu ku soo baxay Fahad Yaasiin Agaasimihii hore ee NISA.

Rooble ayaa la sheegay inuu ogaaday wada hadalo labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday xubno ka tirsan Guddiga iyo Ergo ka socotay Fahad Yaasiin,taasna ay keentay in si dhaqso leh Rooble u soo farageliyo kalana diro Guddiga.

Guddiga FEIT oo kaashanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay ugu guuleystay in la baabi’iyo natiijada rasmiga ah ee kursiga #HOP086, waxaana ay keentay in Fahad Yaasiin aan la siinin kaarka aqoonsiga iyo shahaadafa FEIT, oo sababtay in aanu ka qeyb qaadan doorashadii Guddoonka Golaha Shacabka iyo tan Madaxweynaha oo uu bannaan joog ka noqday.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dagaal kulul la galay Fahad Yaasiin Haaji Daahir oo la sheegay inuu ahaa milkiilihii dowladii farmaajo, ugu dambeyna guusha ay raacday Rooble halka Fahad yaasiina ilaa hada uu la’yahay kursigii uu ku haminaayey afartii sano ee lasoo dhaafay.