Hal qodob oo Ra’iisul wasaare Rooble uga aamusay Arrinta Kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.
Rooble wax shaqo ah ku laheyn go’aanka xeer ilaaliyaha Kiiska Ikaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Garyaqaanka guud ee dalka Cismaan Cilmi Guuleed ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey go’aanka laga gaaray kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo dowladda federaalka ah shaacisay natiijada kiiskan.

Cismaan Cilmi Guuleed ayaa soo hadal qaaday dooda ka dhalatay natiijada la shaaciyey, kadib markii si weyn loogu dhaliilay Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna tilmaamay in Rooble uusan wax shaqo ah ku laheyn go’aanka uu shaaciyey xeer ilaaliyaha ciidamada.

“Ra’iisul wasaaruhu haba yaraatee wax shaqo ah oo uu ku leeyahay ma jirto ee ma taqaana dacwaddaas qaadisteeda wuu ku dadaalay in la madax banneeyo maxkamadaha.” ayuu yiri Cismaan Cilmi Guuleed garyaqaanka guud ee dalka oo wareysi gaar ah siiyey Universal TV.

Garyaqaanka  ayaa sidoo kale sheegau inay maxkamadaha iyo fulinta oo xukuumadda ah ay yihiin laba hay’adood oo kala madax bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maxkamadaha iyo fulintu waa laba hay’adood oo kala madax bannaan marka ra’iisul wasaaraha qaranka waxa uu madax u yahay xukuumadda, maxkamaduhuna ka madax banaan yihiin marka wax ala wixii kiiskaan ku saabsan go’aankiisa waxaa iska leh maxkamadaha,” ayuu markale wareysigan ku yiri garyaqaanka guud ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida uu habeen ka hor shaaciyey baaris hordhac ah oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna sheegay in NISA lagu waayey ku lug lahaanshaha kiiska Ikraan Tahiil.