Hal qodob oo si weyn ay u diidan yihiin siyaasiyiinta shirka ugu socda Decale

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qodobada miiska saaran ee ay ka wada hadlayaan siyaasiyiinta waxaa ka mid ah arrimaha muddo kororsiga dowlad goboleedyada iyo wax ka bedelka muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda in la furayo qodobo ka mid ah dastuurka dalka.

Sidookale qodobka ay diidan yihiin siyaasiyiinta shirka ayaa ka mid ah in xukunka dalka laga dhigo nidaam madaxtooyo islamarkaana meesha laga saarayo kursiga Ra’iisul Wasaaraha oo lagu bedelayo Madaxweyne ku xigeen.

Saamileyda siyaasada ayaa laga yaabaa inay aqbalaan qorshaha madaxweynaha ee wax ka bedelka dastuurka iyo in meesh alaga saaro xilka Ra’iisul wasaaraha hadii aysan ku jirin muddo xileedkiisa si fursadaas ay uga faa’iideystaan dowladaha dambe ee dalka hoggaamin doona.

Siyaasiyiinta uu shirkaan ku casuumay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn u diidan qodobadan wax ka bedelka dastuurka iyo meesha laga saaro xilka Ra’iisul wasaaraha islamarkaana lagu bedelo Madaxweyne ku xigeen balse qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa laga yaabaa inay aqbalaan qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh.