Hal Qodob oo xasaasi ah oo miiska saaran iyo shirka doorashooyinka oo maalintii Labaad galay.

MUQDSHO-AYAAMAHA-Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Muqdisho shirka golaha wadatashiga qaranka  ee u dhaxeeya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo si rasmi ah u furmay shalay ayaa maanta waxay madaxda uga hadli doonaan howlaha dhameystirka doorashooyinka dalka sidii loo dardar gelin lahaa iyo wali sidii loo raadin lahaa dhaqaalaha ku baxaya doorashada dalka.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo baxaayay warar sheegaya in dowlad goboleedyada qaar ay doonayaan in doorashada Golaha Shacabka lagu soo koobo hal Magaalo iyo in la dhimo tirada Ergada dooraneysa Golaha Shacabka, halka kuwa qaar ay kasoo horjeedaan, taas oo la filayo in la isla soo hadal qaado maanta.

Bulshada Soomaaliyeed iyo waliba  daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa si gaar ah isha ugu haaya go’aanada kasoo bixi doona shirkan golaha wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka socda teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.