Hal sabab oo keentay in Diyaaradaha dagaalka ee Iiraan uu burburkooda aad u soo bato.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Militeriga Iiraan, oo nooceedu yahay F-14 (Tomcat), ayaa ku burburtay saldhigga ciidamada cirka ee Isfahan.

Kornayl Rasoul Motamedi, oo ah afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Iiraan, ayaa xaqiijiyay in diyaaraddaas ay cillad farsamo awgeed u dhacday galinkii hore ee Sabtidii, wax yar uun kaddib markii ay ka duushay garoonka.

Shilkan ayaa u muuqda mid aan sababin wax khasaare dhimasho ah kaddib markii sida la sheegay ay duuliyihii iyo kaaliyihiisiiba uga boodeen dallaayad. Balse sida ay saraakiisha militeriga sheegeen, diyaaradda ayaa gabi ahaanba burburtay.

“Ka hor inta uusan shilku dhicin, duuliyihii iyo caawiyihiisaba way ka boodeen haddana waxaa lagu dawaynayaa isbitaalka Al-Zahra,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Militeriga Kacaanka Iiraan oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee ISNA.

Sida lagu xusay warbixinta, taliska militeriga ayaa sheegay in la baarayo sababta keentay in ay diyaaraddaas burburto, laakiin waxay u badan tahay in cillad farsamo oo ku timid matoorka awgeed ay u dhacday.

Tani waa diyaaraddii saddexaad ee Militeriga Iiraan ka burburta tan iyo bishii March ee sanadkii 2014-kii.

Tan iyo bishii March, 2014, saddex diyaaradood ayaa burburay

Wax ka yar hal bil ka hor diyaarad kale oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Iiraan ayaa ku burburtay saldhigga Isfahan, halkaas oo ay ku dhinteen duuliyihii iyo kaaliyihiisa oo darajooyin fiican ku lahaa ciidanka.

2014-kii, diyaarad kale oo nooceedu yahay F-5, oo kuwa dagaalka ah, ayaa ku burburtay meel u dhow Iskuul ku yaalla magaalada Tabriz.

Warbaahinta dalkaas ayaa soo tabiyay in shilkaasna ay ku dhinteen duuliyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee la socday diyaaradda.

Sidoo kale waxaa ku dhintay qof rayid ah oo saarnaa gaari ay diyaaraddu ku dhacday.

Mas’uuliyiinta militeriga ayaa xilligaas sheegay in la baarayo sababta keentay burburka, balse wax natiijo ah lagama soo saarin ilaa hadda.

Sababta keentay inay shilalka diyaaradaha bataan

Diyaaradaha militeriga Iiraan iyo kuwa rayidka ayaan wax dayac tir ama cusboonaysiin ah lagu samaynin tan iyo markii uu xukunka la wareegay kacaanka hadda maamula waddankaas.

42 sano kaddib, Iiraan oo muddadaas gudaheeda soo martay siddeed sano oo ay dagaal kula jirtay dalka Ciraaq, waxaa aad u liita tayada diyaaradaheeda.

Madaxweynaha Iiraan, Ebrahim Ra’isi, oo dhawaan booqday saldhigga ciidamada cirka ee Isfahan, ayaa dalbaday in waddanka loo sameeyo siddeed diyaaradood oo kuwa shacabka ah, kuwaasii middiiba ay qaadi karto 72 rakaab ah.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, Iiraan waxay samaysatay diyaarado nooca dagaalka ah oo tiradoodu ay gaarayso ilaa shan, balse dhammaantood waxaa lasoo tabiyay in ay burbureen.

Dhaawac xoog leh ayaa waayadii dambe soo gaaray qalabka ciidamada cirka iyo ciidamada badda.

Sababta ayaa lagu sheegay in qalabkani uu muddo dheer yaallay, ilaa haddana aan kuwo cusub lagu baddalin, taasoo kenetay in shilalka diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta ay soo bataan.

Sanadkii 2009-kii oo kaliya, saddex shil oo noocan ah ayay ku burbureen diyaaradaha noocoodu yahay MiG-29 – oo ku dhacday magaalada Tabriz, F-4E oo ku dhacday magaalada Bushehr iyo mid kuwa tababarka ah oo ku dhacday meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Tehran.

Afar shil oo kale ayaa dhacay sanakdii 1997.

Iiraan ayaa diyaaradaha militeriga inta badan kasoo iibsatay waddanka Mareykanka xilligii ay jirtay xukuumaddii Mohammad Reza Shah.

Qaar badan oo ka mid ah waxay ka qayb qaateen dagaalkii siddeedda sano socday ee dhex maray Iiraan iyo Ciraaq.

Sidoo kale Iiraan ayaa tiro ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka kasoo iibsatay Ruushka iyo Shiinaha.

Sannadihii dambe oo Qaramada Midoobay ay Iiraan ka qadaday cunaqabataynta hubka, waxay dowladda Islaamiga ah dadaal u gashay in ay soo iibsato diyaaradaha militeriga Ruushka.

Marka laga soo tabo Madaxweyne Ibrahim Ra’isi, waxaa Ruushka dhowr jeer booqashooyin ku tagay saraakiil reer Iiraan ah oo uu ku jiro wasiirka gaashaandhigga. Hase yeeshee Moscow wali wax diyaarad militeri ah kama aysan iibinin Tehran..

BBC