Halista Al-Shabaab ee Baraawe iyo weerarkii xalay ee Garoonka diyaaradaha degmada.

AL-SHABAAB IYO Baraawe
AL-SHABAAB IYO Baraawe

BAYDHABO-AYAAMAHA-Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday Garoonka diyaaradaha degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelllaha Hoose waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Sbabaab.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana guulo ka sheegtay taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan degmada Baraawe ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Baraawe ay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta ciidamada qalabka sida u sheegay in ay jiraan khasaare intaasi ka badan oo la gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana ciidamada xoogga ay u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan qorsho kasta oo ay soo maleegaan Al-Shabaab.

Magaalada Baraawe ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu qabto doorashada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga magaalada, hayeesheebAl-Shabaab ay weerareen.