Halista Al-Shabaab oo sii korortay 12kii bilood ee la soo dhaafay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha talista ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Stephen Townsend ayaa sheegay in halista dhinaca amniga ee qaaradda Africa ay sii kordheyso.

Jeneraal Townsend ayaa sheegay in 12-kii bilood ee u danbeeyay ay korodhay halista kooxda al-Shabaab.

Wuxuu ku macneeyay sababaha arrintaas ka danbeeysa iyadoo aanay jirin cadaadis badan oo la saaray al-Shabaab sannadkii la soo dhaafay, dhaq-dhaqaaq la’aanta ciidamada AMISOM, xanuunka COVID-19 iyo waliba qalalaasaha siyaasadeed ee Somalia ka jira.

Mar la weydiiyey taliyaha sababaha ay hoos ugu dhaceen duqeymihii ciidamada Maraykanku la beegsan jireen Al-shabaab ayaa Jeneraal Townsend waxaa uu sheegay in maamulka cusub ee Maraykanka ay dib u eegayaan qiimeynta ku saabsan duqeymahaas ayna rajeynayaan in dhowaan arrintaas laga soo saaro go’aan cusub.

“Al-shabaab halisteeda wey korodhay 12kii bilood ee la soo dhaafay, waa qeyb firfircoon oo ka tirsan Al-Qaacida, maamulkii hore waa uu naga joojiyey howlgalkii aanu isku hortaageynay kooxdaas dabcan welina waa howl inoo taalla maxaa yeelay kooxdan waxay halis muuqata ku tahay danaha Maraykanka” ayuu yiri Jeneraal Townsend.