Halka qodob ee ugu adag oo Farmaajo & Rooble laga fujin la’yahay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa weli xarunta Madaxtooyada ka socda kulamada lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Qodobada ugu adag oo guddiyada ka kala socda labada dhinac ay isku mari la’yihiin oo qaarkood la isku fahmay qaarna weli dood ka taagan tahay ayaa waxaa ay kala yihiin.

1. In kiiska Ikraan Tahliil loo daayo Maxkamadda awoodda dastuuriga u leh ee kiiska dacwadu hor yaallo, hase ahaatee Madaxweyne Farmaajo waxa uu doonayaa in marka hore Guddigi uu magacaabay uu shaqeeyo

2. NISA: Guddigu waxaa uu soo jeediyay in Gen. Bashiir si KMG ah u sii hayo xilka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kasoo heshiiyaan taliyaha rasmiga noqon doono muddo kooban, balse Farmaajo ayaa diiday wuxuuna ku adkeystay in Yaasiin Farey sii hayo xilka hey’adda.

3. Guddigu waxaa uu soo jeediyay in  Wasiirka niga uu Ra’iisul Wasaare Rooble u bedelo wasaarad kasta oo ka mid ah 25 wasaaradood,, sidoo kale Farmaajo waxaa uu soo jeediyay 2 wasaaradood kaliya mid ka mid ah in loo wareejiyo C/llaahi Maxamed Nuur.

Guddiga ayaa la filayaa in waxyaabihii xalay kala soo kulmeen Farmaajo maanta la wadaagaan Rooble, iyadoo ay muuqato in wada hadaladii labadii cisho ay soo wadeen in natiijo la’aan tahay oo dhinac walba uu halkiisa taagan yahay.