Halyey Qaran oo gacanta ku haayey kiiska Badda Soomaaliya oo goordhow Geeryooday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Eng. Maxamed Cumar Saalixi waxaa ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo1952-dii, aabihii waxaa uu ka tirsanaa SYL, waxaa uuna qansnaji kahaa dowladda hoose.

Wuxuu ahaa halyey qaran oo gacanta ku hayey kiiska badda Soomaaliyeed ayaa goordhow geeryooday, wuxuu muddo ku xanuunsanaa Turkiga ayaa saaka la keenay caasimadda Muqdisho, kadib codsigiisa, waxaa uuna ku geeriyooday gudaha Airporka.

Eng Saalixi 1958 ilaa 1964, waxaa uu Luuq ka dhigtay dugsi hoose, 65-68-dii dhexe magaalada Baydhabo halka sare uu ka dhameeyey dusgi sare Banaadir isaga oo ka mid ahaa 5-ta ugu sareysa, taasi oo dhaxalsiisay inuu deeq waxbarasho u aado dalka Poland.

University of Warsaw ayuu ka bartay cilmiga Injineeriyadda ka qaatay Master-ka, markii uu dalka kusoo noqday 1979-kii waxaa uu fuliyey mashruucii Bay, isaga 1979 illaa 1987 ka shaqeeyey hoggaanka sahanka iyo maababka ee wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya.

Markii dambe 1983 ilaa 1987, wax aa uu dhisey mashaariic dhismayaal iyo Beero ay ka mid yahiin Matxafka Qaranka, Beerahii wasaarada Gaashandhiga iyo Sameynta Kanaalo ballaaran oo si casri ah uu u sameeyey, halka 1987 ay dowladda u magacawdey agaasinka waraabka ee Mashruucii Beeraha ee Farxaane ee Gobolka Sh/hoose.

1988 ilaa 1990-kii waxaa uu ku mid ahaa guddi dowladaha Soomaaliya iyo Ethopia ay u xilsaareen kala qaadida ciidamadii Soomaaliya iyo Ethiopia ee xadka labada dal.

Dagaalladii sokeeye, 1992 ilaa 1994 ,waxaa uu ka shaqeeyey xafiiskii UNISOM qeybta Binii’aadinimada ee Gobolka Gedo, Baardheere, waxaa kale uu la shaqeeyey Care iyo heyádo kale.

1998 ilaa 2000, waxaa uu waxbarasho u aaday waddanka Tanzania gaar ahaan Daru Salaam oo u ku bartay cilmiga sida xogta looga soo saaro sawirrada Dayax-gacmeedka u qaado iyo lafa guridda xogta (Remote Sensing iyo GIS).