Hanjabaado ay la kulmi jiray Xildhibaan Aamino kahor inta aan la dilin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Allah ha u naxariistee marxuumad xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo xalay qarax ismiidaamin ah lagu dilay xalay ayaa khudbad ay horay u jeedisay u muuqatay mid ogeyd in nolosheyda loo soo socday oo la dili rabay.

Xildhibaan Aamina oo khudbaddaas uga hadashay dilkii Ikraan Tahliil oo ka mid aheyd shaqaalaha NISA, taasi oo la waayey bishii June ee 2021, ayaa hadalladeeda laga dareemi karay inay ahaayeen kuwo si toos ah ugu socday madaxweynaha xilkiisa dhamaaday, Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey iyo xubnaha kale ee NISA ka tirsan.

“Haddaan maalinkaas cabsan lahaa, hadalladaa kusoo qoray Facebookeyga, waa ley soo wacay waxaa ley dhahay arrintaan faraha kala bax shuqul kuma lihid, ma i cabsi gelineyso wax kasto oo ley sheego, iyo aan ugu tanaasulaayana arrinta Ikraan ma jirto, mansab kasto, maal, magac wax kastoo ley sheego Ikraan uguma tanaasulaayo,” ayey tiri marxuumad Aamina Maxamed.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Haddeey ummadda Soomaaliyeed ka cabsanayaan Fahad Yaasiin, Yaasiin Fareey ama Farmaajo oo xilkiisii dhamaaday kuwa u aamusan inuu xil siiyo darteed, waad gabteen mas’uuliyadiinii, waad gabteen mas’uuliyadiiniii iyo wixii la idiin abuuray oo ah bini’aadanimada, culumada Soomaaliyeed ha ogaadaan wixii Ikraan ku dhacay ayaa qof kasta ku dhacaaya, idinkaana inaad culumo u tihiin dadkaan Soomaaliyeed ama dad gaar ah ayaa meeshaan nooga kala cadaaneyso,”

Geerada xildhibaan Aamina ayaa gelgishay quluubta Soomaali badan, waxaana shaki la geliyey qaabka loo dilay, xili ay rabtay in maanta ay xildhibaanimo u tartanto.