Hanti Malaayiin doolar ah oo ku gubatay Suuqa Weyn ee Hargeysa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaaraya ayaa ka dhashay dab saacado badan socday oo xalay baabi’iyay suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.

Abaare 8-dii fiidnimo ee xalay ayuu kacay dabka, hasayeeshee kooxaha dabdamiska ee la tacaalaya xakamaynta dabka ayaa howshoodii waxaa carqaladeeyay suuqa oo aanan lahayn wadooyin waafi ah oo loo maro.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaaraysa 5KM ayaa tan iyo waqtigan waxaa soconaya dedaallada lagu daminayo dabkaasi ka kacay, iyadoo maayirka magaalada Hargeysana uu isagoo qiiraysan tilmaamay in hantidii magaaladiisa ay baaba’day.

Ilaa hadda lama sheegin dad ku dhintay balse hanti ayaa ku gubatay dabka.

“Waxaan deganahay suuqa Waaheen Bacdlaha Hargeysa, muddo 20 sanadod ayaan degenaa 10 mehradood ayaa iiga gubtay, aniga mehradaheydu waxay ahaayeen qurxinta guryaha wixii oo dhan wey gubteen” ayuu yiri Baasho Bushaaro oo kamid ah ganacsatdii hantida uga gubtay dabka.

“Umaddiina wey ku ceyroowday suuqa, xaaladda umadda caawa waa mucsir , hanti wixii suuqa yaallay waxbo ka aanay bixin laakiin waa wax Ilaahey qaddaray”

Cabdiraxmaan Ibraahim oo kamid ah ganacstada ay hantidooda uu baabi’iyay dabka ayaa BBC u sheegay in saddex mehradood ay kaga gudbteen goobta.

“Magaalada waxaan ku lahaa saddex mehradood waad arkeysaan waa jiingadahaa iyo dambaskaa,saddexda mehradood waxaa iiga burburtay ilaa 70,000”

Dabkan ayaa haatan intiisa badan la damiyay inkasta uu khasaasre xooggan dhaliyay.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in sababta si deg deg ah loogu xakameyn waayay dabka ay aheyd in la waayay waddo loo maro goobta taasina ay horseeday in holaca uu qabsado suuqa isla markaana ay xaaladda faraha ka baxday.

Shacabka, ciidamada iyo kuwa dab damiska ayaa dadaal ugu jiray sidii loo xakameyn lahaa dabka.

“Waxaan ahay mayir magaaladiisa gubatay, hantidiisa baaba’day, dhaqaalihii dadkiisu baaba’ay” ayuu yiri, mayirka Hargeysa, Cabdikariim Mooge oo u warramayay BBC-da xilli uu aad uga argagaxsanaa dhacdada.

Lama ogo sababta ka dambeysay dabkan, inkasta oo ay wararka sheegayaan in markii uu hore ee dabka ka bilowday guri ku yaalla suuqa kaas oo markii dambe ku fiday gebi ahaanba suuqa Waaheen.