Haween Banaanbax ka dhigay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul iyo Jawaabta ay la kulmeen.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tobannaan haween ah oo isugu soo baxay caasimadda waddanka Afgaanistaan ee Kabul ayaa sheegay in Taabilaan ay la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa ayna ku buufiyeen basbaas.

Haweenka ayaa dalbanayay xuquuqda ah inay shaqeeyaan iyo in haweenka lagu daro dowladda Taalibaan. Waa dibadbaxii ugu dambeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Kabul iyo Herat.

Dhanka kale, madaxa hay’adda sirdoonka milateriga ee waddanka Pakistan, Janaraal Faiz Hameed, ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kabul halkaas oo lagu soo warramay inuu wadahadallo kula leeyahay saraakiisha Taalibaan.

Ila wareedyo ku sugan waddanka Pakistan ayaa sheegaya inuu jaranaalku halkaas u tagay inuu Taalibaan kala xaajoodo ammaanka iyo maamulka xadka.

Daalibaan ayaa sheegtay in maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan qaabka uu u dhisan yahay maamulkooda.

Taliban ayaa sheegtay in haweenku ay ku lug yeelan karaan dowladda, laakiin aysan qaban karin jagooyin wasiirnimo.

Dumar badan ayaa ka baqaya inay dib ugu soo noqdaan sidii loola dhaqmay markii Taalibaan ay hore xukunku haysay, intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001. Dumarka waxaa lagu qasbay inay wejigooda daboolaan kolka ay bannaanka u baxayaan, waxaana la marsiinayaa ciqaab adag xadgudubyada yaryar.

“Shan iyo labaatan sano ka hor, markii Taalibaanku yimaadeen, waxay iga hor istaageen inaan aado iskuul,” wariye Azita Nazimi ayaa u sheegtay Tolo.

“Shan sano xukunkooda ka dib, 25 sano ayaan wax baranayey si adagna waan u shaqeeyay.”

Soraya, oo qayb ka ahayd iyana bannaanbaxaas ayaa u sheegtay Reuters: “Waxay sidoo kale haween madaxa kaga dhufteen xagga danbe ee qoriga, iyaga qaarkood dhig baxeen.”

Iska horimaadyada ayaa iyana ka sii socda dooxada Panjshir, oo ku taal woqooyiga Kabul, halkaas oo dagaalyahannada iska -caabbintu ay wiiqeen dadaalladii ay Taliban ku doonaysay inay xukunka kagala wareegto.