Haweenay adeegto ah oo kelli lagala baxay xilli ay shaqo u tagtay Sucuudiga

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaqaatiir ku sugan dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in haweenay dalkaas u dhalatay oo u shaqo tagtay dalka Sucuudiga, kana soo laabatay lagala baxay mid ka mid ah kelyaheeda, islamarkaasna ay arrintaas ka dambeeyeen qoyskii ay u shaqaynaysay.

Wasaaradda arrimaha gudaha Uganda ayaa sheegtay in baaritaan lagu sameeyay Isbitaalka weyn ee Mulago uu xaqiijiyay in haweenaydan kilida lagala baxay, oo aysan run ahayn warkii ay qoyska u sheegeen oo ahaa in ay shil gaari gashay.

Judith Nakintu oo 38 jir ah oo shan carruur ah leh ayaa la geeyay magaalada Jidah ee Sucuudiga sanadkii 2019-kii si ay u noqoto jaariyad ama adeegto guri.

Markii ay labo bilood shaqanaysay ayaa waxaa go’ay xiriirkii isgaarsiinta ee ay la lahayd qoyskeeda, kadib markii hooyadeed ay xaaladda dabogal ku samaysayna waxaa loo sheegay in ay gabadha shil gashay.

Shirkadda Nile Treasure Gate Company oo ah tan shaqaalaysay haweenaydan ayaa 30-kii Oktoobay 2021-dii taleefoon usoo dirtay Judith Hooyadeed, una sheegtay in ay gabadheeda ay kasoo dagayso garoonka caalamiga ah ee Entebe ee Uganda.

Markii hooyadii ay meesha tagtay, waxa ay la kulantay gabadheeda oo gaariga garangara ee dadka xanuunsan lagu wado, waxaana horey laga geeyay isbitaalka Mulago.

Balse maalmo kadib gurigeeda ayaa la geeyay, waxaana la sheegay in ay fiicantahay.

Balse sarkaalad ka tirsan laanta socdaalka ee Uganda oo lagu magacaabo Agness Ogoye oo dabogal ku samaysay ayaa isbitaalka kasoo ogaatay in lala baxay mid ka mid ah kilyaha Judith.

Booliiska Uganda ayaa ninkii ay u shaqaynaysay magaciisa ku sheegay Sadafa Maxamed , waxayna qireen in uu sameeyay warbixino caafimaad oo been abuur ah.

Waraaqo ay qoreen booliiska Sucuudiga ayaa sidoo kale muujinaya in Judith ay gashay shil gaari, islamarkaasna ay ku naafoowday.

Cabdalle Kayonde oo ah madaxa urur u dooda xuquuqda shaqaalaha ayaa sheegay in uu warqad u qorey shirkadda Nile, weeydiiyayna in ay bixinyaan lacag magdhow ah oo gaaray 600 milyan oo shillinka Uganda ah maadaamaa ay kili kala baxeen gabadha.

BBC