Haweenay qaxooti ah oo diyaarad dusheed ku umushay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaxooti reer Afgaanistaan ah oo u carareysay UK, ayaa gabar ku dhex dhashay diaaraddii sidday intii ay ku jirtay duulimaadkii daadgureynta ee ku socday Birmingham.

Soman Noori, oo 26 sano jir ah ayaa ka duushay Dubai waxa ayna ku socotay magaalada Birmingham, iyadoo markii ay Kabul ka soo baxeysay ay foolaneysay, sida ay sheegay Turkish Ailines.

Iyadoo uusan diyaaradda saarneyn dhakhtar ayaa xubno ka tirsan shaqaalaha diyaaradda ay ka dhiliyeen gabadha yar oo lagu magacaabo Havva. Diyaaradda ayaa sheegtay, in hooyada iyo gabadheeduba ay caafimaad qabaan.

Ms Noori, ayaa waxaa safarkeeda ku wehliyay seygeeda, Taj Moh Hammat oo 30 jir ah iyo labo carruur oo kale oo ay dhaleen.