Haweeney dhashay 10 cunug oo mataane ah oo jebisay rikoorkii horey ugu yaallay caalamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeney u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa la sheegayaa in ay dhashay 10 canug oo mataane ah, taas waxay ka dhigeysaa in ay jebisay rikoorkii horey ugu yaallay caalamka.

Gosiame Thamara Sithole, seygeeda wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay arrintan, ayna markii hore u haysteen in 8 canug ay caloosha ku sido.

“Waa 7 wiil iyo 3 gabdhood. Aad ayaan u faraxsanahay. Shucuurteyda laga qiyaasi karo. Hadal badanna ma karo,” ayuu yiri Teboho Tsotetsi. Wuxuu warbaahinta kula hadlay Pretoria ka dib markii carruurta ay u dhasheen.

Maamulka haya rikoorka Caalamka ee Guinness World Records, ayaa sheegay in ay arrintan mataanaha Sithole ay weli baarayaan.

Haweeney u dhalatay Mareykan oo 2009-kii halmar dhashay siddeed canug ayaa hadda haysata rikoorka caalamka ka dib markii carruurteeda oo dhan ay badbaadeen.

Bishii la soo dhaafay, gabadh 25 sano jir ah oo u dhalatay Maali, Xaliima ciise ayaa dhashay sagaal caruur ah oo la sheegay in xaaladdooda caafimaad ay weli wanaagsan tahay. Iyada iyo carruurteeda waxay ku sugan yihiin cisbitaal ku yaalla Morocco.

Ms Sithole, oo 37 sano jir ah, waxay horey u dhashay mataane laba canug ah oo hadda lix sano jirro ah.

Waxaa la sheegayaa in hadda xaaladdeeda caafimaad ay aad u wanaagsan tahay. Waxay carruurtan uurka ku siday 29 isbuuc, waxayna Isniintii ku dhashay cisbitaal ku yaalla Pretoria.