MUQDISHO-AYAAMAHA-Baraha Bulshada waxaa qabsaday sawirka haweeney lagu eedeeyey inay afduubatay nin dhalinyaro ah oo la sheegay in masxkada looga jiray.
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo howlgal qorsheysan ka sameeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay haweeneydan agu soo eedeeyay ‘in ay nin ka afduubatay’ gudaha degmada Wadajir.
Haweeneydaan oo magaceeda lagu sheegay Faadumo Maxamed Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay guri ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku hayeen, ayada iyo koox kale oo ay hoggaamineysay Muwaadin Soomaaliyeed oo xanuunsan.
Ninka la afduubtay oo haweeneydan & kooxdeeda ay kasoo wateen waaxda shanaad ee degmada Wadajir ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mahad Xasan Camey, kaas oo haatan lagu wareejiyay ehelladiisa, sida uu shaaciyay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.
Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Muqdisho, maadaama ay falkan afduubka ah hoggaamineysay haweeney, taas hadal-heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada.