Haweeney Lacag U Ururin Jirtey Alshabaab Oo Loo Gacan Geliyay Maraykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeney u dhalatay dalka Holland balse asalkeedu yahay Soomaali oo todobo sano ka hor lagu soo eedeeyay in ay lacag u aruurineysay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa loo gacan galiyay Mareykanka si ay u wajahdo maxkamad.

Farhia Hassan, oo 38 jir ah, ayaa Jimcihii horraantii ka soo muuqatay Maxkamadda Degmada Alexandria ee Mareykanka, ka dib markii Khamiistii la keenay Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay inay qorsheyneysay inay taageero qalab siiso urur argagixiso. Waxaa la amray in la sii hayo ilaa dhageysigeeda xiga.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Farxiyo Xasan ay ka caawisay lacag uruurinta iyadoo u sheegtay deeq bixiyayaasha inay maalgelin doonaan iskuulada iyo agoonta balse dhaqaalaha ay siin jirtey argagixisada.

Eedeynta ayaa lagu sheegay in unugyada Al-Shabaab ee Nairobi, Kenya, iyo Hargeysa, Soomaaliya ay lacago ka heleen mudadii u dhexeysay 2011 ilaa 2014.

Haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay waxay wajihi doontaa ilaa 15 sano oo xarig ah.
Intii ay haweeneydan ku sugneyd dalka Holland 7-dii sano ee la soo dhaafay waxaa uu ka dagaalamaysey in loo gacan geliyo Mareykanka halka ay qareenadeeda ay ka shaqeynayeen in meesha laga saaro eedeymaha lagu soo oogay.

Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in Mareykanka uusan awood u laheyn inuu ku soo oogo haweeney u dhalatay Holland inay lacag siisay koox argagixiso Soomaali ah.

Waxayna sheegeen in dib u dhigista dheer ee ku yimid in maxkamad la soo taago ay ka dhigan tahay in la diiday xuquuqdeeda degdega ah.Laakin garsoore Anthony Trenga ayaa sanadkii hore go’aamiyay in kiiska uu horay u sii socdo.