Haweeney ninkeeda dishay oo buug ka qortay ‘sida ragga loo dilo’ oo xabsi lagu xukumay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa lagu helay inay dil gaysatay, horayna waxay buug uga qortay sida wax loo dilo.

Garsooraha gobolka Oregon ee dalka Mareykanka ayaa Nancy Crampton Brophy, oo ahayd haweeney qoraa ah ku riday xukun, kaddib markii lagu helay dambiga dilka ah. Haweeneydan waxay caan ku ahayd qoridda buugaag xiiso leh oo ay uga hadasho arrimaha qoyska.

Fal-dambiyeedka ay Nancy gashay in dabagal iyo baaritaanba lagu sameeyo waxaa sabab u noqday buug ay qortay oo ay cinwaan uga dhigtay ‘Sida ninkaaga loo dilo’, waxaana lagu xukumay xabsi ah cimrigaa ha-ku-furto, maaddaamaa lagu helay inay seygeeda toogasho ku dishay.

Nancy Crampton Brophy, oo ay da’deedu tahay 71 jir, xukunka waxaa lagu riday bishii hore.

Xeerbeegtida xukunkaas ridday ayaa ogaatay in ay ninkeeda oo 76 jir ahaa ay toogatay 2018-kii si ay u hesho lacag dhan $1.5 milyan (£1.2m) oo ah ceymiska geerida.

Falkaas ka hor, waxay ku howlanayd qoridda buugaag jaceyl ah oo si aad ah loo akhristo. Buugaagteeda waxaa laga xusi karaa ‘Seyga qaldan”, ‘Qofka uu Jeceylkiisu qaldan yahay’, iwm.

Seyga Nancy, Daniel Brophy ee geeriyooday wuxuu ahaa mas’uul muxtaram ka ahaa machadka cunnada ee Oregon.

Waxaa baaritaanka dacwadda haweeneydaas lagu sheegay inay ninkeeda labo xabbadood madaxa uga dhufatay bishii June 2018-kii, xilli uu ku sugnaa jiko ku taalla machadka.

Haweeneydan in laga shakiyo baaritaan qoto-dheerna lagu sameeyo waxaa keenay buugga ay cinwaanka uga dhigtay ‘Sida ninkaaga loo dilo’, kaasoo akhristeyaasha dhexdooda hadal-hayn weyn ka abuuray.

“Waxa aan ka aqaanno dilku waa in qof walba oo naga mid ah uu ka suurtoobo marka meel fog la gaarsiiyo,” ayay ku tiri qoraal hadda la tirtiray.

Waxay buuggeeda ku sharraxday siyaabaha ugu fudud ee haweeneyda dooneysa inay seygeeda disho, iyadoo weliba bixineysa talooyin iyo xeelado faahfaahsan.

Garsoore ayaa diiday in qormada loo qirto caddayn ahaan maxkamaddeeda, sababtoo ah waxaa qalinka lagu duugay sanado ka hor iyadoo qayb ka ah siminaar qoraal ah.

Balse dacwad-oogaha uma baahan qoraalka.

Wuxuuna ku doodayaa Crampton Brophy inay si ulakac ah u dishay seygeeda si ay u muujiso inay lammaanaha dhaqaale-la’aan soo food-saartay, iyadoo ogeyd ninkeeda haddii uu dhinto in shirkadda ceymiska ay ka heleyso lacagta magdhawga ah oo qofka marka uu dhinto qoyskiisa la siiyo.

Xilliga uu socday dhageysiga maxkamadda ee kiiskan waxaa maxkamadda lagu soo bandhigay muuqaal muujinaya Crampton Brophy oo gaarigeeda machadka ku galeysa, kana soo baxeysa xilligaas oo ku beegneyd marka uu dhacay dilka Daniel Brophy loo geystay.

Boolisku ma aysan helin hubkii dilka lagu geystay. Hase yeeshee, baaritaan dheer waxaa lagu ogaaday inay Nancy soo iibsatay bistoolad la mid ah tan dilka lagu geystay.

Qareenkii difaacayay haweeneydaasina wuxuu sheegay subaxa la sheegay in Daniel la dilay inay ku sugneyd goob macbad ah oo machadka ku dhex yaalla. Balse ma aysan inkirin inay machadka gaari ku tagtay, markii dambena ay ka soo baxday.

Xeerbeegti ka kooban 12 ayaa haweeneyda ku helay dambiga ah dil darajada labaad ah kaddib markii ay ka doodayeen wax ka yar labo maalin.

Xukunka xabsi daa’imka ah oo Isniintii haweeneyda seygeeda dishay lagu xukumay, waxaa lagu sheegay iney suurtagal tahay haddii uu cimriga ku simo 25 sano kaddib in xabsiga laga sii daayo. Qareennadeedana waxay sheegeen inay qorsheynayaan inay xukunkaasi racfaan ka qaataan.

Ka hor inta aan xukunka maxkamadda lagu dhawaaqin, saaxiibbada iyo qoyska Daniel ayaa maxkamadda horteeda ka markhaati furay waxay kiiskaas ka og yihiin.

“Waxaad dooratay inaad been sheegto, khiyaano sameyso, oo aad ugu dambeyn disho ninkii aad nolosha la wadaagtay,” ayuu yiri Nathaniel Stillwater, oo ah wiil uu dhalay ninka dhintay – haweeney kale ayaa u dhashay. Wuxuu sii raaciyey “Waxay ahayd inaad buuggaaga ka soo amaahato ereyga ah ‘xaaska qaldan’ oo dabeecaddaada matalaya.”

BBC