Haweeney ninkeeda oo nool kabeen sheegtat inuu ku dhintay qaraxii Soobe2, si ay lacag u hesho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeney lagu magacaabo Aamino Aweys Maxamed oo shalay sheegtay in ninkeeda uu ku dhintay qaraxii Soobe2 ayaa la ogaaday inuu ninkeeda oo nool been ka sheegtay, waxayna ehelka ninka ay sheegeen inuu ninkeeda uu noolyahay.

Shan sanno ka hor Qaraxii Zoobe waxay tiri ninkaygii ayaa qaraxa ku dhintay Iyada oo Ooyaysa, kadib lacag badan bay bulshada Soomaliyeed ku caawiyeen daruuftaas adagay sheegatay awgeed, lacagtii loo uruuriyey Bajaaj/Tig bay ugu Iibsay wiilkeeda, sida ay sheegeen dad yaqaana.

5 sanno kadib Qaraxii labaad ee Zoope oo maalmo ka hor dhacay ayay timid TV-yada Iyada oo sidii shan sano ka hor u Ooyaysa bay tidhi sadex maalmood waxaan raadinaayey maydka ninkeyga waan waayay balse waxaan helay shaadhkiisii iyo kabahiisii Caruur ayaan u hayey waxaan siiyana ma hayo.

Labo magac oo kala duwan bay sheegatay labadaas mar balse dad ay isku xaafad yihiin ayaa isla markiiba muuqaalkeeda arkay oo gartay Inay maydka ninkeeda ku qudhaabanayso isla markaana lacag ay ku raadsanayso sidii qaraxii hore oo kale.

Arrintaa ayaa ah mid dad badan ay la yaabeen, mana ahan markii ugu horreysay, markii ay wax dhacaan dadbaa si kale uga faaideysta masiibada markaas dhacda.