Haweeney si mucjiso ah uga bogsatay cudurka HIV oo aad loo hadal hayo

Haweeney si mucjiso ah uga bogsatay cudurka HIV
Haweeney si mucjiso ah uga bogsatay cudurka HIV

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeney u dhalatay dalka Argentina ayaa u muuqata in jirkeeda uu si iskiis ah uga guuleystay fayraska HIV iyadoo aan loo adeegsanin wax daawo ah – waana markii labaad ee la diiwaan geliyo kiis ku saabsan qof qaabkan ku bogsaday guud ahaan caalamka.

Dhakhaatiirta ayaa aaminsan in bukaankan uu jirkeeda iska xoreeyay fayraska kaddib markii ay unugyada difaaca la dagaallameen.

Tijaabooyin lagu sameeyay in ka badan hal bilyan oo ka mid ah unugyadeeda ayaa muujiyay inuusan jirin wax raad ah oo sheegaya caabuqa, sida uu qoray wargeyska diiwaangeliya Caafimaadka ee “Archives of Internal Medicine

Haddii la fahmo qaabka ay unugyadeeda u shaqeeyeen, waxaa suuragal ah in la helo hab lagu saaro ama daawo wax tar leh loogu helo xanuunka HIV-ga, sida ay khubaradu sheegeen.

Baabi’inta HIV

Xaqiiqdan la ogaaday ayaa caddeyneysa in dadka qaar oo faro ku tiris ah ay ku dhashaan awood dabiici ah oo uu jirkooda isaga difaaco ama ugu adkeysan karo HIV-ga.

Qaarna waxay leeyihiin unugyo dhaxal ah oo ka ilaaliya jirkooda inuu soo galo fayraska.

Kuwo kalena – oo ay ku jirto “haweeneydan bukaanka ah ee ku sugan magaalada Esperanza”, oo qarisay aqoonsigeeda – waxay u muuqdaan inuu fayraska soo galay balse uu awood u yeeshay inuu burburiyo.

Balse inta badan dadka uu haleelo HIV waxa ay u baahan yihiin dawooyin kaalmaati ah oo la soconaya inta ay nool yihiin oo dhan.

Haddii ay joojiyaan qaadashada dawooyinkaasna , fayraska la seexiyay ayaa kusoo kici kara wuxuuna u sababi karaa dhibaatooyin halis ah.

Haweeneyda jirkeeda ayaa si iskiis ah isaga saaray HIV-ga

Hase yeeshee, sannadihi ugu dambeeyay, waxaa soo baxayay warar ku saabsan “dad uu jirkooda awood badan yahay” oo ka bogsoonayay fayraska, iyadoo la caawinayay balse aan loo helin dawada HIV-ga.

Adam Castillejo, oo kasoo jeeda magaalada London, ayay u suurtagashay inuu joojiyo kaniinnada maalinlaha ah ee uu u qaadanayay HIV-ga kaddib markii lagu tallaalay xubin loogu deeqay maadaama uu sidoo kale qabay cudurka kansarka.

Unugyadiisii xambaarsanaa fayraska HIV ayaa baxay waxaana lagu baddalay kuwo kale intii uu qaadanayay dawooyinka kansarka.

Nasiib wanaagna, qofka xubnaha ugu deeqay waxa uu ka mid ahaa bani’aadanka 1% ah ee ku dhasha unugyada dhaxalka ah ee iska difaaca fayraska HIV si uusan usoo galin jirkooda.

Balse ilaa hadda ma cadda muddada ay faa’iidadaas wax u tari doonto Mr Castillejo.

‘Daawo xornimo ah’

Laakiin bukaanka Esperanza lagama arkeynin wax calaamado HIV ah muddo ka badan siddeed sano gudaheed.

Loreen Willenberg, oo kasoo jeedda magaalada San Francisco, ayaa sidoo kale u muuqata in ay ka bogsatay fayraska HIV ayna ka daweeyeen unugyadeeda difaaca.

Arrintan ayaa horseedeysa rajo ku aaddan in “daawo xornimo ah” loo helo bukaannada kale.

Dr Xu Yu, oo ka mid ah baareyaasha caafimaadka ee sar sare, kana tirsan macadka Ragon ee hoos taga Isbitaalka guud ee gobolka Massachusetts, ayaa yiri: “Waxaa jiri karta waddo loo maro in dawo xornimo ah la siiyo dadka aan awoodda u lahayn in ay si iskood ah u dawoobaan.

“Hadda waxaan eegeynaa suurtagalnimada qaabkii lagu fahmi lahaa habka ay unugyada u sameeyeen shaqadaas, si markaas loogu sameeyo dawo tallaal ah, iyadoo ujeeddadu ay tahay in unugyada difaaca la baro sidii ay ula dagaallami lahaayeen ugana adkaan lahaayeen fayraska iyadoo aan wax dawo ah la isticmaalin.”

‘Fayras guul darreystay’

Prof John Frater, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford, ayaa BBC-da u sheegay in sida ay u badan tahay aysan suuragal ahayn in la sheego qof si dhab ah uga bogsaday HIV, balse cilmi baareyaasha ay sameeyeen “wax walba oo laga codsaday oo loo adeegsan karo tiknoolojiyadda maanta la haysto” si ay u caddeeyaan arrintaas.

“Su’aasha ugu muhiimsan waxay ku saabsan tahay in bukaankan uu si sax ah uga bogsaday fayraska ama in uu si ku meel gaar ah uga baxay, oo fayrasku uu ku guul darreystay inuu tarmo,” ayuu yiri.

“Hannaankeeda difaaca waxa uu si cad u muujinayaa inuu xasuusto soo galitaanka fayraska, marka su’aal kama taagna in ay qabtay xanuunka.

“Taas iyadoo aan loo eegeynin, waxaa jira bukaanno noocaas ah, oo wax badan laga baran karo si loola kaashado cilmi baarista dawada loogu raadinayo HIV-ga.”

Prof Sarah Fidler, oo ah khabiir ka tirsan macadka isku dayga daweynta HIV-ga ee London, ayaa isagana sheegay in arrintan ay wax badan ka tareyso dadaallada hadda socda.

Balse Dr Andrew Freedman, oo ka tirsan Jaamacadda Caafimaadka ee Cardiff, ayaa sheegay in dawooyinka kaalmada ah ee hadda loo hayo HIV-ga ay marayaan heer aad u wanaagsan oo mustaqbalka lagu helo karo dawo nolosha caalamka wax badan ka badasha.

BBC