Hawlgalka ATMIS oo Dowladda Soomaaliya ku wareejisay xero Muhiim ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada howlgalka ATMIS ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu wareejisay xerada Maslax oo ku taalla degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay muddo sanado ah daganaayeen ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi.

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday gudaha Xerada Maslax ayaa waxaa lagula wareejiyay xeradan Wasaaradda Gaashaandhigga,  ayada oo uu la wareegay Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow.

Sidoo kale waxaa munaasabadda ku sugnaa, Madaxa howlgalka ATMIS, ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef oo isugu mas’uuliyadda xerada iyo maamulkeeda ku wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Fiidow oo faahfaahin ka bixiyay la wareegitaanka xeradan ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay ku howlgali doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

ATMIS ayaa qorshuhu yahay inay dalka isaga baxdo marka la gaaro bisha December ee sanadka soo socda ee 2024-ka, xilligaas oo ay faarujin doonaan guud ahaan Soomaaliya, si ay amniga ugu wareejiyaan ciidamada Xoogga dalka oo haatan u diyaar garoobayo mas’uuliyadda waddanka oo dhan.