Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo War ka soo saartay Shirka doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-War-saxaafadeed kasoo baxay kulanka Culimada oo warbaahinta loo Akhriyay ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxda u socda ee looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17-kii Sep iyo xal u helida khilaafka ka taagan doorashada dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in muhiim ay tahay in si deg deg ah Arrimaha doorashooyinka dalka heshiis looga gaaro, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara kala teg iyo khalalaaso dhaca, uuna heshiiska fure u yahay midnimo iyo wadajir.

Hoos ka Akhriso

1: Waxaay Culimada soo dhaweeynayaan Shirka Arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho ee uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Alle ka baryeen in Shirka uu guuleysto.

2: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed waxay is xasuusinayaan ammaanada cirka iyo dhulka iyo Buuraha diideen ee rabi u dhiibay siyaasiyiinta Soomaaliyeed loogana baahan yahay inay dhowraan.

3: Waxay adkeeynayaan Culimada in go’aanka doorashada lagu saleeyo Diinta Islaamka sida Cadaalada hufnaanta lagana fogeeyo dhamaan nuuc kasta uu yahay dulmiga iyo musuq maasuqa.

4: Waxaay ugu baaqeynaa Umadda Soomaaliyeed Midnimo, waxaana u mahad celinayaan cid kasta oo gacan ka geeysatay hirgelinta iyo qabsoomida Shirka looga hadlayo Arrimaha doorashada Soomaaliya.

Qaar kamid ah Xubnaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed oo kulanka ka hadlay ayaa dalbaday in shirkaasi la taageero laguna dadaalo sidii uu u guuleysan lahaa.