Hay’adda IMF Oo Ku Hanjabtay Inay Joojineyso Bixinta Mushaaraadka Ciidamada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa shaaca ka qaaday in haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada ka socota dalka Soomaaliya ay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan Mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo oo u warrantay Wakaalada Reuters ayaa u sheegtay in bisha May ee sanadkaan 2022 uu dib kale ku timaado doorashada dalka ay joojinayaan lacagaha taageerada ah.

Laura Jaramillo ayaa tilmaamtay in tallaabada ay qaadi doonaan ay saameeyn ballaaran ku yeelan doonto shaqaalaha dowladda Federaalka, uuna Barnaamijka taageerada ah si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub 17-ka May.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khatarta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa sheegtay inay ku kalsoonaan yihiin in doorashada lagu soo gaba-gabeyn doono waqtigeeda, si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta.

“Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta,” ayay tiri. “Ma jiraan caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha IMF ilaa hadda, waxna ma filaynno.”

IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay filaysay 170 milyan oo doolar oo lagu taageerayo miisaaniyadda sannadkii hore balse kaliya ay heshay $38 milyan. .

IMF ayaa sidoo kale xustay inay hakin doonto deyn cafinta Soomaaliya, Sida ku cad heshiiska 2020 ee ay ansixiyeen Bangiga Adduunka iyo IMF, deynta Soomaaliya waxaa laga dhigay $3.7 bilyan oo u dhiganta 63% GDP, halka ay ka ahayd $5.2 bilyan ama 89% GDP. Haddii la dhammeeyo sanadka soo socda, deyntu waa inay hoos ugu dhacdo $557 milyan ama 6% wax soo saarka guud ee gudaha.

IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda, iyadoo miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar.