Heshiis hordhac ah oo laga gaaray Kuraastii KG Ee xildhibaanada la hakiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada heer federaal Soomaaliya ayaa xubno ka socday waxay saacadihii lasoo dhaafay kulamo la lahaayeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulamadaan waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo baydhabo maalmo ka hor gaaray xal raadinta arintaasina qeyb ka ahaa.

Heshiis hordhac ah ayaa laga gaaray sida la sheegayo kuraasta xildhibaanada laga hakiyey baarlamaanka Soomaaliya ee KG laga soo doortay.

Ilaa seddex kursi ayaa hore Guddiga FEIT ay shaaciyeen in dib loogu laabanayo doorashadooda balse waxaa lasoo sheegayaa in taasi laga heshiiyey.

Labo Kursi ayaa la sheegay in la fasaxay oo xildhibaanimadooda ay sax tahay kuwaas oo kala ah: Hop#204 & Hop#103 waxaana weli xal laga gaarin kursiga Hop#154.

Hop#204 waxaa loo doortay dhawaan xildhibaan inuu noqdo isaaq Cali Subag oo ah wasiirka Amniga KGS iyadoo Hop#103 kursigaasi loo doortay xildhibaanka cusub Maxamed Cali Xasan ayaa ah wasiirka howlaha guud dib-u-dhiska iyo guryeynta Koonfur Galbeed.

Kursiga Hop#154 oo dib loogu doortay Xildhibaan Sareeda Maxamed ayaa la hakiyey.

Rajadii ay ka qabeen in ay helaan labadaasi kursi Jawaari iyo Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa meeshaasi kusoo gaba gaboobeysa,maadaama la fasaxay labada kursi.

Go’aan ayaa lasoo saari doonaa marka kulamadaasi ay soo dhamaadaan ka socda Baydhabo iyadoo lasoo sheegayo in Guddiga FEIT iyo Maamulka KG ay wadajir warsaxaafadeed usoo saarayaan xal laga gaaray kuraastaasi muranka ka jiray.