Heshiis la dhex-dhigay Beelo walaalo ah oo sanado badan dagaalamayey.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Beelaha Dir iyo Xawadle oo Kudhawaad 8 Sano Siyaabo Kala Duwan ugu Dagaalamayay Deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey ee Duleedka Waqooyi ee Baladweyne ayaa Maanta Markii ugu Horeysay Kala Saxiixday Heshiis Xabad Joojin ah.

Heshiiskan oo Wajigiisa Hore uu Yahay Xabad Joojin Waxaa in Muddo ah Baladweyne Kawaday Odayaasha Dhaqanka Beelaha Dagan Hiiraan,Maamulka Gobolka iyo Wasaarada Dib u Heshiisiinta Hirshabeelle Waxaana Howshan Dhinaca Dhaqaalaha Kataageerayay Urur Goboleedka IGAD.

Madashii Maanta Heshiiskan Lagu Kala Saxiixday Waxaa Goobjoog Ka ahaa Wasiirka Dib u Heshiisiinta Hirshabeelle,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan,Taliyaha Booliska Hirshabeelle iyo Saraakiil Ciidan.