Heshiis la kala dhex-dhigay Soomaalida & Canfarta oo dagaalamay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya waxaa lagu soo geba-gebeeyay kulan lagu wada hadashiinayo Canfarta iyo Soomaalida, kulankaas oo diiradda lagu saaray colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada dhinac iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaaddaasi.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax ka socota dowladda federaalka Itoobiya, Odayaasha Dhaqanka labada dhinac ee Soomaalida iyo Canfarta, kuwaas oo dadaal ku bixinayay sidi xal loo gaari lahaa.

Fowzi Maxamed Cari, oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shika ayaa sheegay in guul laga gaaray shirka, isla markaana uu rajeynayo in qodobada heshiis la dhaqan geliyo si nabad loogu wada noolaado.

Dhowr jeer ooh ore ayaa waxaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya lagu qabtay shir lagu heshiisiinayay Soomaalida iyo Canfarta, balse dagaalada ay markale dib u soo cusboonaadeen.