Heshiis laga gaaray xiisadii ka taagneyn Magaalada Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Maamulka Hirshabeele ayaa heshiis hordhaca La gaaray Ciidamadii Habeenno ka hor la wareegay Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ku shaqeeyo ee magaalada Beledweyne.

Madxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf dabageed iyo Siyaasiyiin Kasoo Jeeda Beesha Xawaadle oo Maalmahan Kusuganaa Baladweyne ayaa Kulamo Laqaatay Odyaasha Dhaqanka Beesha Xawaadle oo uu Hormuud u ahaa Ugaas Yuusuf.

Waxaa la isku afgartay.

Ciidamada ayaa soo Gudbiyey shuruudo in ay baneeyaan Xarumihii ay Qabsadeen Todobaadkii hore.

1:In aanan loo raacanin wax daalac ah, la bar tilmaameedsan, laguna soo oogin Kiisas Maxkamadeed.

2:In loo fasaxo Mushaaraad Horey looga Xayiray iyo darajooyin laga masuq Maasuqay sida ay sheegeen.

3:In dib loogu Celiyo Xilal ay ka hayeen Ciidamada kala duwan oo si Sharci darro ah looga qaaday sida ay hadalka u dhigeen.

Yuusuf Ahmed Hagar Dabageed,Wasiirka Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib u Heshiisiinta Dawlada Soomaaliya General Muqtar Xuseen Afrax iyo Ugaas Yusuf ayaa si Wadajira U Aqbalay balan qaadana in la fulin Doono Dhamaan shuruudaha ay saraakiishu soo jeediyeen.