Heshiiska cusub ee Dowladda Soomaaliya ay gashay ee ku kacaya Malaayinta dollar.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo Safiirka dowladda Finland ee Soomaaliya Marwo Johanna Jokinen ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya €7.65 Millions Euro oo u dhiganta $8.64 millions Dollars, kaasi oo lagu taageeraayo horumarinta adeegyada Waxbarashada Caruurta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashadda oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, asiga oo sheegay in heshiisyada noocaani oo kale ah ay fursad siineyaan Caruurta ka maqan goobaha Waxbarashada, sidoo kalana ay kaalin geysanayaan tayeynta Waxbarashada dalka.

Heshiiskan ayaa fursad siinaya caruurta ka maqana goobaha waxbarashada, sidoo kalana kaalin muhiim ah ka geysanaya tayeynta waxbarashada, sida uu munaasibadaas ka sheegya Wasiir Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

Sidoo kale waxa uu wasiirka ku amaanay dowladda Finland doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarinta Waxbarashada Soomaaliya iyo wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Inta badan caruurta Sooaaliya ayaa waxaa ay yihiin kuwa aan helin waxbarasho lacag la’aan ah ama dowladdu ay ka bixiso, taas bedelkeeda waalidiinta ayaa dhabarka u ritay sidii caruurtooda ay waxbarasho u heli lahaayeen dowlad la’aan.