Heshiiskii Kenya iyo Xukuumadda Rooble oo laga dhaqan geliyey & safaarada Kenya Ee Muqdisho oo dib loo furay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed C/risaaq Abuukar iyo Dhigiisa Dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa waxay wadajir maanta udaah fureen safaarada Kenya Ee Muqdisho.

Lix Bil ay uxirneyd xarunta safaarada diblomaasiyada oo xumaatay labada dal ayaa maanta dib loo furay shaqadeedana toos ubilaabaneysa.

Safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in dib loo hagaajiyey xiriirkii xumaaday labada waddan.

Wasiirka arimaha dibada kenya Raychelle Omamo ayaa ka mahad celisey doorka wasaarada Arimaha dibada Soomaaliya ku laheyd dib uwanaajinta xiriirkii xumaaday.