Hilib Dameer Oo Lagu Arkay Shuuqyada Degmada Buulo Burte iyo Shacab Ka Caraysan oo Ka Falceliyey

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Wararka laga helayo Degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Degmadaas lagu arkay hilibka dameer oo lagu iibiyo Magaaladas.

Suuqayada Kawaanka Magaalada Buulo Burde  ayaa Lagu arkay hilibka Dameerka oo Siyaabo kala duwan Looga iibinayayay Dadweynaha Magaalada.

Shacab Farabadan oo arintan ka careysan ayaa isugu Soo baxay wadooyinka Magaalada Iyagoo soo bandhigay Dameer qalan oo Lasheegay inuu Kamid ahaa Kuwii u Danbeeyay ee la iibinayay.

Arrintaan ayaa ah arrin kasoo horjeeda diinta Islaamka waana wax ku cusub dhammaan deegaanada Soomaaliya.