Hir-Shabeelle oo shaacisay Jadwalka doorashada kuraastii ugu dambeeysay ee Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baladweyne.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in soo gudbinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso maalinta berri oo sabti oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso.

Maamulka Hirshabeelle wali waxaa un harsan lix kursi oo doorashada aqalka hoose oo lagu qabanayo Magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi.