Hirshabeelle oo shaacisay jadwalka qabashada doorashada Afar Kursi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudiga doorashada Hirshabeelle SEIT aya shaaciyay qabashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee Beledweyne.

Kuraaastaan ayaa horay loo shaaciyay laakiin ay suurtagali waysay in waqtigooda lagu qabto.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in afartan kursi doorashadooda la qaban doono 14ka bishan aynu ku jirno.

Hase yeeshee afartan kursi HOP#135 oo mid ka mid ah hore ugu fadhiday Aamino Maxamed Cabdi ayaan loo xirin haween sida hore loogu shaacin jirey kuraasta u gaarka ah dumarka.

HOP#004 Maxamed Xasan Ibraahim Qoone ayaa waxaa hore ugu fadhiyay

HOP#011 Cabdirizaq Cumar Maxamed ayaa hore ugu fadhiyay kursigan halka HOP#063 uu hore ugu fadhiyay Cabdulahi Goodax Barre..