Hogaamiyaha mucaaradka Uganda oo sheegay in uusan aqbali doonin natiijadii doorashada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha mucaaradka dalka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in uusan aqbali doonin natiijadii ka soo baxdaay doorashadii khamiistii dhacday taasi oo uu ku guuleystay madaxwayne Musavani.

Waxaa uu BBC u sheegay in boqollaal askari ay isaga iyo xaaskiisa ka hortaagan yihiin inay guriga ka baxaan islamarkana ay qaarkood guriga gudaha u soo galeen.

Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa dhankiisa bogaadiyay doorashada oo ku tilmaamay in ay ahayd tii ugu xaqsanayd ee ebed taarikhda Uganda ka dhacda, waxaa uuna mucaaradka uga digay inay rabshado ku kacaan.

Waxaa intii ay doorashada socotay la jaray khadka dhanka internet-ka taasi oo uu Bobi Wine sheegay inay ahayd mid gacan ka geysanaysay in la qariyo wax isdabamarinta baahsan ee jirtay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Uganda inay diidaan natiijada ka soo baxday doorashada .

Marka laga reebo midowga Afrika ma jirin ururo kale oo caalami ah oo doorashadani kormeera ka ahaa.

Guddiga doorashada ee dalkaasi ayaa meesha ka saaray eedeymaha ku saabsan wax isdabamarinta codadka, oo uu soo jeediyay murashaxa mucaaradka Bobi Wine, oo ah fanaan isu badalay siyaasi.

Laakiin kormeerayaasha doorashada ayaa dhankooda sheegaya in kalsoonida tirinta ay waxyeelo u geysatay khadka internet-ka oo dalkaasi ka go’an seddexdii maalmood u dambeeyay.

Tiro dad ah ayaa la dilay intii ay socdeen ololaha doorashada oo rabshado u dhexeeya booliiska iyo taagerayasha mucaaradka.