Hoggaamiyaha gobolka Amxaarada oo dadkiisa ugu baaqay in ay hubka qaataan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayaa shacabka gobolka ugu baaqay inay hubka qaataan si dagaal loogu qaado fallaagada ka dagaallanta gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli Jimcihii madaxweynaha gobolka Canfarta uu jeediyay baaq kan lamid ah, Waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka 8 bilood ka socday Tigray uu ku fido deegaannada kale.

Afhayeen u hadlay jabhadda Tigray ayaa wacad ku maray inay xoreyn doonaan taako kasta oo ka tirsan dhulka Tigray oo ay kamid yihiin deegaanada lagu muransan yahay oo ay ku sugan yihiin ciidamada gobolka Amxaarada tan iyo markii uu dagaalka bilowday.