Hoggaamiyihii Taliban ee loo haystay inuu ‘mar hore dhintay’ oo khudbad ka jeediyay Kabul

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee ururka Taliban ayaa booqashadiisii ugu horraysay ku tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah waddanka Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban.

Mullah Hibatullah Akhundzada ayaa lagu soo warramay in uu khudbad ka jeediyay kulan ay ku sugnaayeen qiyaastii 3,000 oo aqoonyahanno diimeed ah, kuwaasoo isugu yimid si ay uga wadahadlaan arrimaha ku saabsan “midnimada qaran”.

Ma jirin wariye madax bannaan oo loo oggolaaday in uu ka qayb galo kulankan, oo ka dhacay meel amnigeeda si wayn loo sugayay.

Cod laga soo duubay khudbaddii hoggaamiyaha ayaa la baahiyay.

Hase yeeshee lama arkin wax muuqaal ama sawir ah oo laga soo qaaday Mullah Haibatullah.

Dad codkoodu aad u sarreeyo ayaa si farxad leh u qayliyay kaddib markii lagu dhawaaqay in uu goobta joogo Mullah Haibatullah, uuna hadli doono.

Waxaa loo haystay inuu mar hore dhintay

Dadka u kuur gala arrimaha Taliban iyo kuwa dhaliila ayaa in muddo ah sheegayay in Mullah Haibatullah uu geeriyooday sannado badan ka hor.

Balse ilo wareedyo kala duwan ayaa horay BBC-da ugu sheegay in hoggaamiyahan uu nool yahay.

Khudbadda uu hadda ka jeediyay Kabul ayuu dagaalyahannada Taliban ugu mahad celiyay tallaabadii ay Afghanistan ku qabsadeen sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa uu sheegay in “guushaas aysan ahayn mid ku eg Afghanistan oo kaliya balse sidoo kale u riyaaqeen Muslimiinta guud ahaan caalamka”.

Hibatullah Akhundzada

Waa kuma Hibatullah Akhundzada?

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sannadkii 1961, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internet-ka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan.

Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.

Akhudnzada waxa uu ka qeybqaatay dagaalladii ka dhanka ahaa xukuumadda Afgaanistaan ee gacansaarka la laheyd Ruushka ee uu hogaamin jiray Maxamed Nuur Tarqi, taas oo xukunka la wareegtay bishii Abriil 1978-kii.

Sida lagu sheegay taariikhda rasmiga ah ee uu ururku shaaciyay. ugu dambayntii waxa uu isaga baxsaday Afgaanistaan oo waxa uu galay Pakistan-ta dariska ah, halkaas oo uu ku noolaa xero qaxooti oo ku taal xadka gobolka Balochistan.