Hoggaanka Taalibaan miyaa madaxweyne ka noqon doona  Afgaanistaan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hebatullah Akhundzada ayaa hoggaanka ururka Taalibaan ee Afgaanistaan la wareegay 26-kii May 2016, markaas oo golaha shuurada ee xaradaka ay xilkaasi u magacaabeen, si uu u badelo hogaamiyihii hore ee ururka ee Akhtar Maxamed Mansuur, kaas oo lagu dilay weerrar dhanka cirka ah oo ay 22-kii May 2016-kii soo qaadday dayuurad Ameerikaan ah.

Waxaa la sheegaa in Akhundzada uu la dagaallamay ciidammadii Midowga Soofiyeet iyo ciidammada isbahaysiga ee uu Mareykanku horkacayay ee ku sugan Afgaanistaan, waxa uuna madax ka soo noqday maxkamadda milateriga ee Kabul intii dalkaas uu xukumayay ninka Taalibaan aasaasay ee Mulla Cumar.

Inta uu hogaaminayay ururka Taalibaan, Akhundzada waxa uu ururkaasi heshiis nabadeed Mareykanka kula galay waddanka Qatar 29-kii bishii Febraayo ee 2020-ka, iyadoo Akhundzada uu heshiiskaasi ku tilmaamay “guul wayn” oo ururka u soo hooyatay.

Tan iyo kowdii May 2021 Taalibaan ayaa waxa ay sare u qaadday howlgalladeeda milateri ee ka dhanka ah xukuumadda waxaana ay qabsadeen deegaanno ballaaran oo ka tirsan Afgaanistaan.

Hebatullah waxa uu dhashay 19-kii Oktoobar sanadkii 1967, sida lagu sheegay taariikhdiisa lagu shaaciyay barta internetka ee rasmiga ah ee ururka Taalibaan. Waxa uu ku dhashay degmada Bajway ee gobolka Gandahaar, waxa uuna ka soo jeedaa qowmiyadda Bashtuuga.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ka mid yahay xubnihii aasaasay xarakada Taalibaan waxaana kaaliye dhaw u ahaa aasaasaha urukaasi Mulah Maxamed Cumar.

Akhudnzada waxa uu ka qeybqaatay dagaalladii ka dhanka ahaa xukuumadda Afgaanistaan ee gacansaarka la laheyd Ruushka ee uu hogaamin jiray Maxamed Nuur Tarqi, taas oo xukunka la wareegtay bishii Abriil 1978-kii, sida lagu sheegay taariikhda rasmiga ah ee uu ururku shaaciyay. Ugu dambayntii waxa uu isaga baxsaday Afgaanistaan oo waxa uu galay Pakistan-ta dariska ah halkaas oo uu ku noolaa xero qaxooti oo ku taal xadka gobolka Balochistan.