Hoobiyaal lagu weeraray degmo ka tirsan Sh/Hoose.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan hoobiyeyaal xalay lagu weeraray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Waarkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo saameynta ka dhalatay weerarka hoobiyeyaasha ah.

Xubno la sheegay inay ahaayeen Al-Shabaab ayaa ilaa dhowr hoobiye waxaa ay ku weerareen degmada Awdheegle  waxaana inta la xaqiijiyay hoobiyeyaasha ku geeriyooday 4 Ruux oo Shacab ah halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Weerarka hoobiyeyaasha ah ka hor ayaa waxaa degmada Awdheegle ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab kadib markii Shabaab ay halkaasi weerareen, waxaana saraakiil ka tirsan Ciidanka ay sheegeen inay khasaaro gaarsiiyeen.