Hooyada dhashay Madaxweyihii hore ee Sheekh Shariif oo geeriyootay.

Dalka Imaaradka carabta gaar ahaan caasimada dalkaas ee Abu Dhabi waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariisto Hooyo Xasno Cabdulle Isaaq oo ah hooyada dhashay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

“Haddaan nahay Xizbiga Himilo Qaran waxaan u tacsiyeeyeynaynaa Madaxweynaha, qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed oo ay ka baxday hooyo Xasno waxaan Alla uga baryeynaynaa in qabrigeeda u waasiciyo, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Lama shaacin Hooyada ay xanuunsaneyd iyo inkale balse waxaa saaka lasoo sheegay geerida maamada dhashay Madaxweyne hore Sheekh Shariif. Allah u naxariisto.