Howl-gal la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay Shabeellada Dhexe.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf Raage oo u warramayey warbaahinta ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howl-gallo ballaaran oo ay ciidamada milatariga Soomaaliyeed ka sameeyeen deegaanada War-Ciise iyo Gal-labashiir oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaannada ay dagaalada ka dhaceen ayaa waxaa kamid ah degaannada, warciise iyo Gal-labashiir, kadib markii ay degaannadaas weerar ku qaadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Odowaa ayaa sheegay in howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, isla-markaana ay khasaare ku gaarsiiyeen.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladaasi ay ku dileen ugu yaraan illaa 15 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhawaan sheegay in ay weerareen degaano ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe oo ay isku aruur sanayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay inay weeraro fuliyaan.