Howlgal Ballaaran oo caawa ka socoda Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada amniga soomaaliya ayaa howlgal ballaaran caawa ka sameenaya xaafado ka mid ah Degmada Warta Nabada Ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo howlgalka amniga lagu xaqiijinayo sameenaya.

Goob joogayaal kusugan xaafada Siinaay iyo xaafadaha ka ag dhaw ayaana ciidamada la sheegay in dhalinyaro badan laga uruuriyey.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya ciidamada Dawlada ay xir xireen dhalinyaro maan dooriye isticmaalayey kuwaas oo guryo ay ku jireen loogu galay,islamarkaana kaamirooyin ay duubteen ciidanka.

Booliska Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay laba jibaari doonaan la dagaalanka dadka maan dooriyaha ku isticmaala caasimada iyo kuwa dhaca ugeysta shacabka ee waayadaan laga qeylo dhaaminayey.