Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya, sida Ciidamada qeybta Galbeed, kuwa Jagboontiyada Guurguura & Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa xalay howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar ee degmada Wadajir, waxaana Saraakiisha Ciidamada qeybta Galbeed ee Booliska & Maamulka degmada Wadajir ay ujeedka howlgalka ku sheegeen mid lagu xaqiijinayay Ammaanka loogana hortagayay dadka falalka Amni darro geysta, Ciyaal weerada & dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalka intii uu socday ayaa dadkii lagu qabqabtay waxaa goob fagaaro ah kula hadlay Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, iyaga oo ka codsaday in Ciidamada lagala Shaqeeyo sugida Amniga Caasimadda.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa waxkasta oo liddi ku ah Amniga, isaga oo sheegay in Bulshada looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sugida Amniga waaxyaha ay ka kooban tahay degmada.

Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo si ioogta ah looga sameeyo Magaalada Muqdisho si looga hortago waxkasta oo keeni kara Amni darro ee ka dhaca Magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka sameeynayeen howlgallo kala duwan kadib markii ay dib u soo laabteen Ciyaal weerada iyo Burcadda dhaca u geysanaya Shacabka.