Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo xoogan ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu qabqabtay dad u badnaa Dhalinyaro Xaafadahoooda iyo waddooyinka joogay.

Ciidamada ayaa howlgalka ka sameeynayay waddooyinka jidcadayaasha ee Xaafadaha iyo Guryaha qaar oo baaritaan la xiriira xaqiijinta Amniga ay ka sameeynayeen, sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysay howlgalka.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Warta-nabadda Cabdullaahi Xasan Cali oo howlgalka horkacayay ayaa sheegay inay baaritaan Amni xaqiijin ah ku sameeyeen Guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadooda kala duwan, isla markaana qorshahooda koowaad uu yahay la dagaalanka Ciyaal weerada oo ah kuwo xaafad xaafad marwalba u dagaalamaya.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray taliyaha in sidoo kale ay baadi goobayeen Kooxaha Burcadda ah ee dadka taleefoonada ka dhaca iyo cid kasta oo liddi ku ah Amniga, isaga oo sheegay in howlgallada ay noqon doonaan kuwo joogto ah.

Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir dadka kunool ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ay ka cabanayeen Kooxo Burcad ah oo dadka taleefoonada ka dhacaya iyo Ciyaal weerarada oo dhibaato gaar ah iyaga isku haaya.