Howlgal dad lagu qab qabtay oo laga sameeyay Boosaaso

GAROWE-AYAAMAHA-Howlgal uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa laga sameeyay Magalada Bosaaso iyo qaar badan oo ka tirsan xaafadaha magaalada si loo adkeeyo amaanka.

Howlagalkaan oo ahaa kuwo lagu xaqiijinayo ammaanka ayaa meelaha qaar waxay ciidamadu u sameynayeen guri-guri,iyo Hoteelo, waxaana u ahaa mid ka dhan ah Xoojinta amaanka iyo Burcadda dadka shacabka ah ka furata agabkooda.

Ciidamada ammaanka ayaa inta ay ku jireen howlgalkawaxaa u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigaan dad ku howlanaa falal lidi ku ah amaanka.

Habeenadii lasoo dhaafay waxay ciidamada magaalada Bosaaso ka wadeen howlgallo culus oo ka dhan ah burcadda dhalinyarada ah, waxaana weli socda howlgalladaas sida lagu sheegay War kasoo baxay Booliska Gobolka Bari.

Howlgalkaan ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyada oo dalku uu galay xilli doorasho, isla markaana hey’adaha ammaanka Gobalka Bari ay muujinayaan feejignaan dheeri ah madaama Magaalada Bosaaso ay ka mid tahay magaalooyinka lagu qaban doono doorashada kuraasta xilibaanada aqalka hoose Soomaaliya