Howlgal laga fuliyay Muqdisho oo lagu dilay saraakiil katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qoraal lasoo dhigay barta rasmiga ah ee Twitter-ka Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka qorsheysan ay ku fuliyeen Muqdisho lagu beegsaday 15 Sarkaal oo kamid ah Al-shabaab, isla markaana la dilay 12 xubnood.

NISA ayaa sheegay in Saraakiisha ay bartilmaameedsadeen ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho, waa sida hadalka looga dhigay.

“Howlgal gaar ah ayaa caawa lagu beegsaday 15 sargaal oo AS u qaabilsanaa  khalkhal-gelinta Amniga Caasimadda Muqdisho. Waxaana ku dhintay 12 kamid ah Al-shabaab. Waa waajib qaran  ilaalinta amniga iyo bedbaada umadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.